Posted on May 21, 2026
Event Date: May 20, 2026
Muqdisho, Soomaaliya Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ayaa maanta si firfircoon uga qaybgashay bandhigga weyn ee Kulmis Educational Expo 2026, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Bandhiggan oo si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, iyadoo si gaar ah loogu talagalay hagista iyo dhiirigelinta ardayda sanadkan ka qalin-jebinaysa dugsiyada sare.
UNISO ayaa madasha ku soo bandhigtay fursado waxbarasho oo ballaran, adeegyada casriga ah ee ay ardayda u fiso, iyo agabka waxbarasho ee u diyaarsan dhalinyarada doonaysa inay ku biiraan reer UNISO.
Fursadaha Waxbarasho iyo Kulliyadaha: Ardayda waxaa si faahfaahsan loogu sharraxay qaybaha kala duwan ee jaamacaddu ka kooban tahay iyo maadooyinka casriga ah ee la jaanqaadaya suuqa shaqada.
Adeegyada Ardayda: Waxaa la tusay adeegyada gaarka ah ee ay jaamacaddu siiso ardayda cusub, sida deeqaha waxbarasho (Scholarships) iyo barnaamijyada kor loogu qaadayo xirfadaha ardayda.
Hagista Qalin-jebiyayaasha: Kooxda matalayey jaamacadda ayaa boqolaal arday ah ka caawiyey inay fahmaan hannaanka ay ku dooran karaan takhasuska ku habboon mustaqbalkooda.
"Ka qaybgalkayaga bandhigga Kulmis Educational Expo 2026 waa mid muujinaya sida ay UNISO uga go'an tahay inay u dhawaato ardayda dhiigga cusub ah, si aan uga caawino go'aanada muhiimka ah ee mustaqbalkooda aqooneed. Waxaan aad ula dhacnay xamaasadda iyo dadaalka ka muuqday ardayda maanta na soo booqatay." Xafiiska QA qaabilsan Arrimaha Ardayda & Xiriirka Dadweynaha ee UNISO
Ugu dambayntii, Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) waxay guul, calaf iyo dhibco sarreeya u rajeeyeen dhammaan ardayda dugsiyada sare ee dhowaan u fariisan doona Imtixaanka Qaranka, iyagoo xasuusiyey in albaabada UNISO ay mar walba u furan yihiin soo dhoweyntooda.